Wassiirka wassarada Arrimaha Gudaha Dawlada Fedaraalka Somaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa liiska odayaasha soo xulaya baarlamaanka Galmudug kuwareejiyay Guddiga Farsamada Maamulkaasi
Liiska oo ka kooban 44 oday dhameed ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta la xareeyo, si ay u guda galaan saxiixooda baarlamaanka.
Guddiga ayaa sheegay in odayaasha looga baahan yahay inay dardar galiyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si aysan dib ugu dhacin doorashada baarlamaanka.
Bisha December ee soo socota ayaa qorshuhu yahay inay dhacaan doorashooyinka Galmudug oo isugu jira mida madaxweynaha iyo baarlamaanka ee maamulkaasi.Valueimpression Placeholder
Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli ay taagan tahay tabashada Ahlu Sunna oo dhaq dhaqaaq siyaasadeed ka wada magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
