BREAKING NEWS

Nabadoonadii Puttland Oo Bosaaso Lagu xidhay Kadib Dhalilo usoojediyeen Xukumadda Diini. {Akhriso]

 Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray laba kamid ah Nabaddoonada gobolka Bari, oo shalay ka soo muuqday  warbaahinta, iyagoo dhaliilaya xukuumadda Puntland.

Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo shalay dowladda Puntland ku dhaliilay heshiisyo ay sheegeen in ay la gashay Imaaraadka Carabta.

Odoyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka soo horjeedan Heshiiska DP world iyo garoonka diyaaradaha Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka, sida ay hadalka u dhigeen.

Caaqil Abshir Maxamed Xaaji Cali oo kamid ah Waxgaradka gobolka magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in Nabaddoonada la qabtay midkood ay xalay gurigiisa ugu dhaceen askar ka tirsan laamaha Amniga Puntland, halka kan kalena saaka laga qabtay suuqa magaalada Boosaaso.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    1,425 Replies to “Nabadoonadii Puttland Oo Bosaaso Lagu xidhay Kadib Dhalilo usoojediyeen Xukumadda Diini. {Akhriso]”

    1. Because the admin of this website is working, no doubt very
      soon it will be renowned, due to its quality contents.

    Comments are closed.

    scroll to top