Madaxwaynaha Maamul Gobaleedka Koonfur galbeed Cabdicasis Xasan Max’ed{LAFTAGAREEN }ayaa Sheegay Inmaamulkiisu kutalaabsaday sanadkii uu joogay horumar lataaban karo kutalaabsaday sidoo kalena aya jiraan dawaldo ubalan qaday taagero badan
Lafta gareen ayaa intaas ku daray in safar uu dhawaan ku tegay dalka Jabuuti loo balan qaaday in dowladda Jabuuti ay ka qeyb qaadan doonto qalabeynta iyo dhismaha Isbitaalka Magaalada Marka iyo dekadda degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen ayaa xusay inay jiraan dad aan jecleyn horumarka Reer Koonfur Galbeed, hase yeeshee aan dheg jalaq loo siin doonin.
Laftagareen ma sheegin kuwa ay yihiin dadka aan jecleyn horumarka Reer Koonfur Galbeed. Shacabka ku dhaqan degaanada Koonfur galbeed ayuu ugu baaqay iney midoobaan meelna uga soo wada jeestaan cadowgooda, gaar ahaan Al-shabaab oo uu sheegay iney dhibaato badan ku heyso degaanada hoos taga maamulkaas