Waxa la’ casriyeeyay Kooxa gurmadaka dagdagaa ee masiibooyinka yagoo loo dhamaystiray Aqabkooda si looga hortago hadii ay yimadaan masiibooyin qaran
Gudoomiyaha Gobalka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed {Cumar finish} ayaa kormeer kusameeyay Xarumaha lagu kaydiyo kooxha gurmadka ah
Duqa Muqdisho ayaa indhihiisa ku arkay kooxaga gurmadka Deg dega iyo gaadiidka isugu jiray gurmadka deg deg ah ee Dabdamiska, gadiidka gargaarka caafimadka iyo gaadiidka booyadaha Xambaara oo loo diyaariyay sidii ay gurmad deg dega u bixin lahaayeen hadii musiibo timaado.
Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray digniin culus oo ku saabsan roobab Mahiigaan ah oo Saacadaha iyo maalmaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.



