Warar lagu kalsoon karo oo aan heleyno ayaa sheegaya in khilaaf hor leh uu soo kala dhex galay Imaaraadka Carabta iyo maamulka Puntland,kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira shirkadaha gacan saarka la leh Imaaraadka ee ka howlgala Puntland
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mudo 13-maalin ah ku maqan magaalada Dubai ee dalka isku taga imaaraadka Carabta halkaasi oo u joogo sidii heshiisyo cusub ula soo saxiixan lahaa dalkaas.
Madaxweyne Deni oo In tabadan Usafra Wadanka Iskutaga Imaaraadka Carabta oo Uu Kuleeyahay Ganacsiyo waaweyn Iyo Sheerar Kala duwan ayaan Warbaahinta Ka soo muuqan Inkabadan 13-maalin Arintaas oo keentay walaac Ku’aadan Maqnaanshiyaha Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni iyo Waxgaradka Boosaaso ayaa isku fahmi waayay shirkadda Saadka Ciidamada ee dhaqaalaha ay siiso Imaaraadka Carabta,taas oo saamiley ay ku yihiin ganacsato waa weyn oo ka soo jeeda Boosaaso.
Arrintaan ayaa sababtay iney khal khal gasho amniga magaalada Boosaaso oo ciidamo beeleed ay la wareegeen guud ahaan magaalada,taas oo markii dambe la xaliyay.