BREAKING NEWS

Shirkii NATO Oo Lasoo Gabagabeeyay Iyo War-murtiyeed Laga Soo Saaray

Hogaamiyayaasha gaashaanbuurta NATO ayaa soo gaba-gabayey shir madaxeed labo maalin uga socday duleedka London, waxaana ay soo saareen war-murtiyeed ay ku midaysan yihiin inkastoo la arkayey xiisadda ka dhex aloosan qaar kamid ah hogaamiyayaasha NATO. Shirkan ayaa kusoo beegmaya 70 guuraddii kasoo wareegtay markii la aas aasay isbahaysigan milatari.


Hogaamiyayaasha ayaa ku sheegay warmurtiyeedka ‘si loogu noolaado amni waa in aan si wada jir ah u eegnaa Mustaqbalka wada jirkeena’

Hogaamiyayaashu waxaa ay isla garteen khataraha ka imanaya dalalka China iyo Ruushka, waxaana ay balan qaadeen in ay la imanayaan qorshe xoogan si looga hortago argagixisada.

Ra’iiusl Wasaare Boris Johnson oo ka hadlayay shirka ayaa sheegay in ay horay u socon doonto NATO.

“70 sano ayaan ku soconnaa, waanu ku ad adagnahay go’aankeena Isbahaysiga NATO iyo in aynu nahay awood mid ah oo si wada jir ah u ilaalisa 29-ka dal oo ku dhow hal bliyan oo qof, xaqiiqadu waxaa ay tahay in aan nabad-galyo ku noolnahay maanta, waana arrin muujinaysa ujeedka isbahaysigan, ma jiro qof rajjayn kara in uu na jabiyo, sidaasi daraadeed ma dhici karto in cidina ay na weerarto.

Mabaadiida aasaasiga ah ee ku xusan qodobka shanaad ee Heshiiska NATO waxa uu dhigayaa haddii midkeen la soo weeraro in dhamaanteen difaac aanu diyaar u nahay.” Boris Johnson

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay shir jaraa’id oo uu la qaban lahaa Ra’iiusl Wasaaraha Britain, Boris Johnson kadib markii lasoo gaba gabeeyay shirka NATO. Trump ayaa shirkaasi uga baaqday kadib markii xalay la baahiyay muuqaal Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo xamanaya Trump xilli ay la kulan sanaayeen boqoradda dalka Britain

Trump ayaa arrintaasi ka jawaabay oo yiri:

“Waa nin labo wajiile ah run ahaantii Trudeau , waa nin wanaagsan sida aan u arko laakiin xaqiiqdu waxaa ay tahay in aan u sheegay in uusan bixinin 2% GDP-ga dalkiisa ee NATO, waxaan qiyaasayaa in arrintaasi uusan ku farxin, waxaa ay haystaan lacag, waana in ay bixiyaan 2% dakhliga”

29-ka dal ee ku bahoobay Isbahaysiga Milatari ee NATO waxa ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin khatarta ka imanaysa Ruushka, Aragagixisanimada , weerarada dhinaca computerada, awooda milatari ee sii kordhaysa ee China yo saameynta ay doonayso in ay dunida ku yeelato iyo qodobo kale.

Iyadoo arrimahani oo dhami ay jiraan waxaa shirka hareeyay hogaamiyayaasha diidan weerarka Turkiga uu ku qaaday Woqooyiga Syria, dhaqaalaha dal walba uu ku bixinayo ciidanka oo inta badan dalalku aanay kasoo dhalaalin iyo hadalkii dhowaan kasoo yeerayay Madaxweynaha Fransiiska Macroon ee uu ku sheegay in NATO ay maskaxda ka dhimatay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    3 Replies to “Shirkii NATO Oo Lasoo Gabagabeeyay Iyo War-murtiyeed Laga Soo Saaray”

    1. blank Ashfap says:

      [url=https://acyclovir24.com/]aciclovir tablets[/url] [url=https://cipro24.com/]cipro cost[/url] [url=https://diflucan365.com/]diflucan canada[/url] [url=https://tadalafilcial.com/]tadalafil tablets 20 mg online[/url] [url=https://levitrad.com/]levitra generic[/url]

    2. blank Janean Maben says:

      This is a particular interesting post. You are doing seep with writing.

      You can also have a word with my website here: calculator rca ieftin

    Comments are closed.

    scroll to top