BREAKING NEWS

Roobab Dabeylo wata oo ku dhuftay Xeebaha Puntland

Roobab wata dabeylo xoog badan ayaa ku dhuftay xalay saqdii dhexe qeybo katirsan xeebaha gobalka Gardafuu ee Puntland, sida ay sheegayaan dadka deegaanada qaarkood oo sheegay in ay khasaare ka dhasheen.

Badda ayaa fatahday goobaha qaarkood, waxaana wararku sheegayaan in halka loo yaqaano raasiga ay baddu biyo badan banaanka u saartay oo ay qaadatay qaar kamid ah qalabkii Kalluumeysata deegaanadaas.

Mid kamid ah waxgaradka magaalada Baargaal ayaa u sheegay Warsidaha Widh Widh Online in ay jiraan roobab xoog leh oo saameyn ku yeeshay deegaanada oo dhan, isla markaasna ay wali roobabku si ba’an u da’ayaan.

Ma uusan sheegin khasaare latiro koobay, balse wuxuu sheegay in jidadkii horey u go’onaa ay markale dhibaato culus oo wajahday ayna muuqato khatar weyn haddii ay roobabkan maanta sii socdaan.

Sida muuqata roobabka ayaa soo gaaray Xeebaha Puntland, gaar ahaana gobalada Barri & Gardafuu, iyadoo ay magaalada Boosaaso maalintii 2aad ka da’ayaan roobab.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje ayaa bartiisa Facebook-ga kusoo qoray in ay jiraan dabeylo & roobab is wata oo khasaare geystay ilaa hadda gobalka Gardafuu ee Puntland, mana uusan sheegin tiro koob rasmi ah oo laga hayo.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Puntland, gaar ahaana Hay’addaha ugu xilsaaran arrimaha Musiibooyinka, waxayse shalay sheegtay in ay hoos u dhacday khatar laga qabay roobab duufaano wata, balse sida muuqata markale ayay xoogeysteen roobabkan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top