BREAKING NEWS

Axmed Madoobe Oo Ugu Dambeyn Laga Sugayo Muqdisho+Maxaa soo kordhay?

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Islaam (Madoobe) ayaa waxa uu wajahayaa isbadel ku yimid hogaankii dawlad gobolleedka.

Warar ayaa Warqaad waxay usheegeen in Axmed Madoobe laga sugayaa Muqdisho inuu soo gaaro maalmaha soo socda.

Wada hadal la iskugu keenayo Axmed Madoobe iyo Farmaajo ayaa ka socotay maalmihii dambe Muqdisho,waxaana Jufada uu ka dhashay Axmed madoobe xubno uu hogaaminayey Maxamed Cabdi Tarax ay kusugan yihiin Muqdisho.

Waxa uu Tarax soo noqday Wasiirkii Beeraha Soomaaliya Dawladii Kacaanka Soomaaliya,waxaana uu rabaa inuu dhex dhexaadiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe labada dhinac ayaana kawada ogolaaday.

Ilo madax banaan ayaa noo sheegay in maalmaha soo socda Axmed Madoobe ka dego Muqdisho islamarkaana hadda uu weli kusugan yahay Nairobi.

Ma cada waxa kasoo bixi doona wada xaajoodka Siyaasadeed ee laga dhex abuuray Axmed Madoobe iyo Farmaajo,iyadoo saacadaha soo socda wax walbo is badeli karaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top