BREAKING NEWS

Maxay ka wada hadleen Dhooba-Daareed, Ambasador Camay & Ergayga gaarka ah ee Turkiga

 Ergayga gaarka ah ee dawladda Turkiga ugu qaabilsan wada hadalka dawladda Faderaalka Soomaaliya & Somaliland Olgen Bekar ayaa kulan gaar ah oo waqti qaatay la yeeshay Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Itoobiya CabdiXakiim Xaaji Cumar Camay oo horey usoo noqday Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo Xildhibaan CabdiXakiim Maxamed Axmed (Dhooba-Daareed) oo dhawaan ay baarlamaanka Puntland xilka ka qaadeen, waxaana labada masuulba ay kasoo jeedaan gobalada Sool & Sanaag oo ay isku hayaan Somaliland iyo Puntland.

Warsidaha PuntlandTimes wuxuu ogaaday in kulanka looga wada hadlay qorshaha dawladda Turkiga ee kuwajahan wada hadalada Somaliland & dawladda Faderaalka Soomaaliya, sidii ay qeyb uga noqon lahayaeen dadka deegaanadaas kasoo jeeda.

Sidaas oo kale, wada hadalkan waxaa lagu soo qaaday aragtida ay aaminsan yihiin siyaasiinta gobalada Sool & Sanaag, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray ammaanka iyo in ay bulshadaas helaan matalaad u gaar ah.

Ambasador Camay iyo Dhooba-Daareed, waxay xalay yeesheen wada hadalo qaatay saacado oo ay uga wada hadlayeen qorshaha ku wajahan iskaashi mug-weyn oo kusaleysan sidii meelmar looga dhigi lahaa talo guud oo ay yeeshaan bulshada gobaladaas.

Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Dhooba-Daareed, wuxuu dhawaan ka waday magaalada Xiingalool dhismaha maamul gaar ah oo ay yeeshaan gobalada Sool & Sanaag, waxaana safarkiisan uu qeyb ka yahay arrimahaas.

Wada hadalada Addis Ababa, xogaha laga helayo ayaa ah kuwa kooban, ka sokow labada dhinac ayaa isku afgartay qodobada ku saleysan in ay dadka deegaanada Sool iyo Sanaag yeeshaan wadatashi gaar ah, balse dawladda Faderaalka Soomaaliya ayay uga baahan yahay ogolaansho

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top