BREAKING NEWS

Xildhibaanada DF oo ku kala qeybsamay sharciga doorashada dalka & damaca Villa Somalia

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka doodaya sharciga doorashooyinka oo ay soo gudbiyeen guddiga KMG ah ee uu dhawaan magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga oo ra’yi uruurin ka soo sameeyay maamul goboleedyada dalka ayaa isku raacay inaan xilligan suurta gal ahayn in doorasho qof iyo cod ah dalka ka qabsoonto,taas oo sahli kareyso in shacabka rabitaankooda wax ku doortaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qanacsaneyn natiijada guddiga soo diyaarinta sharciga doorashooyinka,wuxuuna ka dalbaday guddoonka Golaha Shacabka iney sharcigan dib u eegis ku sameeyaan dalkana laga hirgelin karo doorasho qof iyo cod ah.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhankooda ku raacay guddiga soo jeedinta ku aadan nuuca doorasho ee la filayo iney dalka ka dhacdo 2021,taas oo meesha ka saareysa damaca Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashada soo socota.

Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa go’aan kama dambeys ah ka soo saaraya arrintaas si loo sii amba qaado geedi socod doorashooyinka dalka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    5 Replies to “Xildhibaanada DF oo ku kala qeybsamay sharciga doorashada dalka & damaca Villa Somalia”

    1. Janefap says:

      [url=https://zithromax365.com/]antibiotic zithromax[/url]

    Comments are closed.

    scroll to top