BREAKING NEWS

Dhoobo Daareed oo qorshe xasaasi ah kawada Addis Ababa & Dhalinyaro uu la kulmay{Daawo}

Kadib markii maalmo ka hor uu soo gaadhay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo kulamo kala duwan la qaatay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia iyo masuuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay wakiilka dowladda Turkiga u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland isla markaasna ay soo baxayeen muddooyinkii ugu dambeeyey in maamul goboleed loo dhisi doono ayaa waxaa ka dhacay Addis Ababa kulamo.

Kulamadaasi oo qaarkood uu ka qayb galay xildhibaan Dhoobo ayaa waxa uu maanta kulan gaar ah la qaatay dhalinyarada kasoo jeeda gobolka Sanaag oo uu kala hadlay arimo kala duwan.

Kulankii maanta oo looga hadlay sidii ay dhalinyarada gobolka Sanaag uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta deegaankooda ayaa waxaa diirada lagu saaray dhanka caafimaadka, waxbarashada iyo sidii masuuliyiinta kasoo jeeda gobolkaasi iyo bulshada kasoo jeeda Sanaag ay iskaga kaashan lahaayeen horumarintiisa.

Mr. Dhoobo ayaa dhalinyarada ku dhaqan Addis Ababa ku wacyi galiyey in ay ka shaqeeyaan midowga shacabka iyo sidii ay u wax ugu qaban lahaayeen bulshadooda.

Saamaynta roobabka iyo u gurmadka shacabka ayaa kulankaasi qayb ka ahayd, waxaana dhinacyadii ka qayb galay ay isku af garteen in loo midoobo dhismaha maamulka cusub iyo horumarinta deegaanadooda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top