BREAKING NEWS

Khasaaro badan oo ka dhashay dagaalkii saakay dib uga qarxay Deegaano katirsan Mudug

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaal xoogan oo saakay dib uga qarxay deegaanada ku dhaw Af Barwaaqo iyo Towfiiq oo katirsan gobolka Mudug.

Dagaalka oo la isku adeegsanayay hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed , waxaana dagaalka uu salka ku hayaa aanooyin qabiil iyo is qab qabsi dhul salka ku hayay.

Wararka aan ka heleyno aaga dagaalka ayaa sheegaya in dagaal culus saakay dib uga qarxay deegaanada ay labada maleeshiyo beeleed wada degaan, waxaana dagaalka uu socday saacado badan.

Dad ka badan 10-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalka dib uga qarxay deegaanadan katirsan gobolka Mudug, waxaana laga cabsi qabaa in labada maleeshiyo beeleed mar kale dagaalamaan.

Waxaa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo dirayo dhinacyada ku dagaalamaya gobolka Mudug, waxaa sidoo kale socda dadaalo lagu doonayo in dagaalka lagu joojiyo laguna kala dhax galo labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamaya.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo isku dhaf ah u direyso deegaanada dagaalka ka socdo si ay u kala dhax galaan labada maleeshiyo beeleed ee wali ku dagaalamaya deeganao katirsan gobolka Mudug.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    5 Replies to “Khasaaro badan oo ka dhashay dagaalkii saakay dib uga qarxay Deegaano katirsan Mudug”

    1. Boofap says:

      [url=https://prednisolone365.com/]prednisolone 5mg coupon[/url] [url=https://cipro24.com/]cipro 500mg[/url] [url=https://levitrad.com/]discount levitra online[/url] [url=https://acyclovir24.com/]acyclovir price[/url] [url=https://tadalafilcial.com/]generic tadalafil[/url]

    2. Judyfap says:

      [url=http://tadalafilcial.com/]tadalafil 40 mg[/url] [url=http://hydrochlorothiazide365.com/]triamterene hydrochlorothiazide[/url]

    3. Amyfap says:

      [url=http://acyclovir24.com/]acyclovir cream[/url]

    Comments are closed.

    scroll to top