BREAKING NEWS

(Sawirro) Nabad sugida Jubbaland oo soo bandhigtay nin dil ka geystay Kismaayo

Taliska ciidanka nabad sugida Jubbaland ayaa caawa ku soo bandhigay magaalada Kismaayo nin labo cisho ka hor dil ka geystay magaaladaas oo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab.

“Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigtay ninkan isagoo daba gal lagu hayay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska NISA Jubbaland.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in ninka la qabtay uu dilay askari ka tirsanaa ciidanka ammaanka oo la oran jiray Maxamed Yare kana qaatay qorigiisii 48 saac ka hor.

“NISA Jubbaland oo baaritaan ku waday ayaa soo qabatay caawa ninkan iyo qorigii uu ka qaatay askarigii uu gaadmada ku dilay, waxaana la soo taagi doonaa sharciga” ayuu lagu yiri qoraalka ka soo baxay NISA.

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “(Sawirro) Nabad sugida Jubbaland oo soo bandhigtay nin dil ka geystay Kismaayo”

    1. blank Boofap says:

      [url=https://albuterol2020.com/]proair albuterol[/url] [url=https://acyclovir24.com/]acyclovir tablet 400 mg price[/url] [url=https://doxycyclinesr.com/]buy doxycycline[/url] [url=https://hydrochlorothiazide365.com/]buy hydrochlorothiazide[/url] [url=https://levitrad.com/]buy cheap levitra online[/url]

    Comments are closed.

    scroll to top