BREAKING NEWS

Ciidmo katirsan puttland Oo xalay lawareegay Gudaha Bosaaso

Magaalada Bosaaso ayaa habeenkii xalay kadhacay dagaal udhaxeeya ciidamada daraawishta puuttland iyo Ragga Hubaysan  oo rasaaseyay baabuur ay saarnayeen ciidamadaadsi

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ku fureen gaari yar oo ay wateen Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo marayay agagaarka Isgoyska Nedko

Wararka ayaa intaa ku daraya in hal askari uu ku geeriyooday rasaasta, halka mid kale dhaawacmay, inkastoo la sheegayo in dhaawaca uu yahay labo askari.

Raggii hubeysnaa ee weerarka geystay ayaa la sheegya inay baxsadeen, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn cida ay yihiin.

Ciidamada Puntland ayaa howlgalo ka sameeyay xaafadaha magaalada Boosaaso, iyagoo baadigoobaya kooxdii ka dambeysay weerarkaas.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay falal kala duwan oo dilal ku jiraan, oo ay geystaan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    2 Replies to “Ciidmo katirsan puttland Oo xalay lawareegay Gudaha Bosaaso”

    1. blank Amyfap says:

      [url=http://prednisolone365.com/]prednisolone sod[/url]

    Comments are closed.

    scroll to top