BREAKING NEWS

Dawlada Somaliya iyo Midawga Yurub Oo kawada hadlay Dayn cafinta Somaliya. {Akhriso}

Kulan ay yeesheen Dawlada federaalka Somaliya iyo Midawga Yurub ayaa lagaga hadlayay  Qodbayaal Muhiim ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Shirkan ayaa laga hadlayay kobcinta dhaqaalaha ‘xaqiijinta Guulaha laga garay dayn cafinta iyo maalgalinta dib-u-habaynta amniga si guul loog gaadho qorshaha dib uhabaynta ciidanka qaranka somaliya si ay ulawareegan amniga waddanka oo  dhane

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirrada Maaliyadda, Dastuurka iyo haweenka ayaa ka qayb galay shirka, dhanka midawga Yurub, wafuudda ka qayb galeysay oo safiirro ay qayb ka ahaayeen ayaa waxaa hoggaaminayay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Kulanka oo qayb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay dimuquraadiyadda, federaaleynta, doorashooyinka, xuquuqda Aadanaha iyo dowrka haweenka ee ka qayb galka siyaasadda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top