BREAKING NEWS

Fariintii layaabka lahayd ee Ozil Uudiray. [Akhriso}

Mesut Ozil ayaa u sheegay jamaahiirta Arsenal inay u taallo shaqo btaan, kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii ay xalay 3-1 kaga adkaadeen West Ham, taas oo ay kusoo afjareen guullo la’aan toban ciyaarood ahayd oo ay kusoo jireen.

Ozil oo qayb weyn ka qaatay saddexdii gool ee sagaalka daqiiqadood ay ku dhaliyeen xiddigaha Arsenal oo gool lagaga hor maray, waxa uu dareenkiisa farxadeed la wadaagay taageereyaasha niyad-jabka kusoo jiray sagaalkii ciyaarood ee hore.

Da’yarka reer Brazil ee Gabriel Martinelli oo kulankiisii ugu horreeyey ee lagu soo bilaabo Premier League goolka koowaad ugu furay Arsenal, ayaa waxa laba kale ka daba geeyey Nicolas Pepe iyo Pierre-Emerick Aubameyang, waxaanay guushan Arsenal culays weyn ku kordhisay tababaraha West Ham, Manuel Pellegrini oo la sheegayo in shaqada laga caydhinayo.

Markii ay ciyaartu dhamaatay Ozil ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay sawir uu la damaashaadayo Aubameyang markii uu goolka dhaliiyey, waxaana uu sheegay in ay dareemayaan inay dib usoo noqonayaan.

Ozil waxa uu far a ku yidhi: “Ugu dambayn waa sabab aan inyar ku qosli karno. Guushaasi waxay na dareensiinaysaa inaanu soo noqonay. Intee ayaanu ku la’ayn!! Laakiin dabcan, dhamaantayo waxaanu ognahay inay shao badan badan noo taallo.”

Xiddiga reer Germany oo dhibaato badan soo maray intii uu Arsenal macallinka u ahaa Unai Emery ayaa saddexdii kulan ee ugu dambeeyey si joogto ah u ciyaaray, waxaanu u muuqdaa in ay dib usoo laabanayso ciyaartiisii.

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    6 Replies to “Fariintii layaabka lahayd ee Ozil Uudiray. [Akhriso}”

    1. blank Wimfap says:

      [url=https://doxycyclinesr.com/]doxycycline price comparison[/url]

    Comments are closed.

    scroll to top