BREAKING NEWS

Khasaaraha ka dhashay weerarka SYL iyo qaar ka tirsan dableydii Al-Shabaab oo la toogtay

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in weli rasaas laga maqlayo Hotel SYL oo ay maqribnimadii Caawa weerareen dabley ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Tirada dableyda Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday Hotel SYL ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 5 kuwaas oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacmaha laga tuuro.

Inta la og yahay ilaa hada dagaalkan waxaa ku dhintay Masuul ka tirsan Dawlada somalia Gaar ahaan laanta Garsootrka iyo sadex kamid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho, halka labo kamid ah Barlamaanka soomaaliya ay yihiin dhaawac,

Sidoo kale Tiro badan oo shacab ah ayaa maydkooda lagu arkaya gudaha Hotelka.

Weerarkan oo bilowday Todobadii Fiidnimo ayaa socda ilaa hada oo ay tahay 10 Habeenimo,

Taliye Xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidamada DFS ay Gudaha Hotel S.Y.L kula Dagaalamayaan labo Dagaalamo oo ka Tirsan Ragii weerarka ku soo qaaday Hotelka, Waxa kaloo ay sheegtay in Ciidamada DFS ay soo badbaadiyeen 82 Ruux

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Khasaaraha ka dhashay weerarka SYL iyo qaar ka tirsan dableydii Al-Shabaab oo la toogtay”

    1. Hello, blame you in spite of word! I repost in Facebook

    Comments are closed.

    scroll to top