BREAKING NEWS

Maclin Dugsi’quraan Oo ay Dileen Kooxo ku Hubaysan Baaskoolado.[Akhriso}

Dagmada walawyane ee gobalka shabeelah hoose ayaa lagu soo waramayaa  in lagu dilay macalin Dugsi’quraan kooxo kuhubaysan baaskoolado  sidoo kalena dhawacay qofkale oo ka agdhawaa meesha uu falku  kadhacay

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Macalin Cismaan Cirbad, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaan uu salka ku hayo arrimo la xariira aano Qabiil, iyadoona kooxdii ka dambeysay ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa saaka lagu soo warramayaa in howlgallo ay ka wadaan degmada Wanlaweyn, kuwaas oo lagu baadi goobiyey raggii fuliyey dilkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo ka soo baxay maamulka degmada kan iyo gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dhacdadaasi.

Wanlweyn iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa marar badan ku soo laa laabtay dagaal beeleedyo u dhexeeyo laba maleeshiyo oo wada daga halkaasi, inkastoo muddooyinkii la soo dhaafay xaaladdu ay aheyd mid degan.

Maalin ka hor ayey sidoo kale aheyd markii maleeshiyaad hubeysan ay magaalada ka dhaceyn Gaari, balse ciidanka oo ku baxay dhacaasi ayaa dib u soo celiyey gaarigaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Comments are closed.

    scroll to top