BREAKING NEWS

Qodobo Culus Oo Beesha caalamka ay Hordhigtay Madaxweynaha HirShabelle Waare

Shir albaabada uxiran yahay ayaa waxa uu hadda ka socdaa Magaalada Jowhar kaas oo udhaxeeya Xubno ka socda Beesha Caalamka oo maanta gaaray Halkaasi iyo Madaxda qaar Ee Maamulka HirShabelle.

Kulanka oo saxaafada ay banaanka ka joogto waxaa adag in xog badan la ogaado balse James Swan oo ah Wakiilka Qaramada Midoobeey Ee Soomaaliya,Danjire Berlenga Ergeyga Midowga Yurub Ee Soomaaliya,Wakiilka Midowga Africa Ee Soomaaliya Francisco Madiera iyo IGAD Xubin ka socda ayaana Madaxweyne Waare shirkaasi la leh.

Waxyaabaha sida hordhaca loo ogaaday ayaa ah in laga arinsanayo Arimaha Doorashooyinka Dalka 2020/2021 Dhacaya,Doorka Nabada iyo Dib uheshiisiinta,Dagaalka Al shabaab iyo Arimo kale.

Waxa la hordhigay Madaxweyne Waare inuu dar dar geliyo Mashaariicda Qaramada Midoobeey Ee Dhinaca Beeraha iyo Kanaalada dib loogu dhisayo,iyadoo lagu canaantay in meelaha qaar wax isdaba marin dhacdo ayna cabashadooda soo gaarto.

Wariye kusugan Jowhar ayaa Widhwidh Onine usheegay in shirka uu socdo saacado,waxaana uu sheegay inay banaanka ka joogaan saxaafada.

Kulankaasi madaxda HirShabelle iyo Xubnaha Beesha Caalamka kadib waxaa la filayaa in Odayaasha Dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka ay wafdigaasi la kulmaan

Shalay ayey Xubnaha Beesha caalamka ka socday gaareen Baydhabo ayna lasoo kulmeen Madaxda Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan Ee bulshada Deegaanadaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top