BREAKING NEWS

Laascaanood Oo Wiil Lagu Xidhay sawirka MD Farmaajo,

Maleeshiyaadka Beesha isaaq ushaqeeya ee ku Sugan Gobolka sool ayaa goordhoweyd xabsiga utaxaabay sawirqaade Aadan Hasssan Mataan oo sawir ku galay farshaxankii laga sameeyay Madaxweyne Farmaajo ee qaybta ka ahaa sawiradii lagu soo bandhigay Carwada buugaagta ee Lascaanood.

Aadan Hasssan Mataan oo kamid ah sawir qaadayaasha gobolka sool ayaa sawir uu iskaha qaaday Sawirka Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku galay Xabsiga laascaanood.

Beesha Dhulbbahante ee dagan Gobolka sool gaar ahaan laascaanood ayaa inta badan waxay xabsi Dil iyo Waxyaabo kale loogu sameeya arrimo la xidhiidha inay sameeyan wax aan raali galin shacabka isaaq ee iyagu aaminsan In ay soomaaliya ka goosten.

Dhulbahante ma aaminsana inay soomaaliya ka goosten laakiin waxay xabsi iyo xabad-ba ku muteesten ayaa ah inay sameeyen wax aan shacabka Isaaq raali ka ahayn.

Isla isbuucan ayay Ahayd markii hotel kamid ah kuwa laascaanood loo burburshay loona xidhay Dadkii lahaa inay calanka soomaaliya hor sudhen Hotelka.

Nasiib dara labaad ee haysata shacabkan ayaa ah in uusan xataa u ogayn maalina usoo hadal qaadin madaxweyne Farmaajo oo sawirkiisa iyo taageeradiisa ay shacabka SSC Ku galan halis faro badan

Isku soowada duubo Bahdilada iyo Sharaf darada ka socota gobolka sool ayaa ah mid gaar u ah Laascaanood oo aysan la qabin 17 gobol ee soomaaliya taaso ay sababtu tahay Waaa gobolka kaliye beel kale oo soomaaliyeed Guumaysato ama haysato.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top