BREAKING NEWS

Mareykanka oo ka hadlay Heshiiska Dowlada iyo Ahlu Sunna gaareen

Dowlada Mareykanka ayaa soo dhaweesay heshiiska ay Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ka gaareen dhismaha Maamul loo dhan yahay ee yeelato Galmudug.

War Saxaafadeed uu soo saaray Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto ayuu kusoo dhaweeyay Heshiiska ay dhismaha Galmudug ka gaareen Dowlada federaalka iyo Ahlu Sunna.

Donald Yamamoto ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay taageereyso heshiiskan ayna ka go’an tahay taageerida dadaalada socda, waxa uuna cadeeyay in dowladiisa gacan ka geesaneyso in Soomaaliya la gaarsiiyo nabad iyo xasillooni buuxda.

“Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab, waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska,” ayaa lagu yiri qoraalka Qoraalka Yamamoto.

Beesha Caalamka ayaa gacan ka geesatay heshiiska ay gaareen dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Sunna , waxaana heshiiskan uu horseedayaa dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    2 Replies to “Mareykanka oo ka hadlay Heshiiska Dowlada iyo Ahlu Sunna gaareen”

    1. blank Boofap says:

      [url=https://cipro24.com/]ciprofloxacin mail online[/url] [url=https://hydrochlorothiazide365.com/]hydrochlorothiazide 25 mg otc[/url] [url=https://acyclovir24.com/]acyclovir 400mg tab[/url] [url=https://diflucan365.com/]cheap diflucan[/url] [url=https://albuterol2020.com/]albuterol generic[/url]

    2. blank Andrei Manu says:

      It is a very interesting post. My partner and i like that you only provide quality information and not merely write about something.
      Retain it up and you should attain great results.

      Exactly what do a person think about my internet site? articole pescuit

    Comments are closed.

    scroll to top