BREAKING NEWS

Xulka Soomaaliya oo Guul muhiim ah ka gaaray Tartanka Cecafa Senior Challange Cup

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa galabta ciyaar xiiso badneyd oo xulka Qaranka Burundi kula ciyaareen magaalada Kampala ee caaimada dalka Uganda kaga gaaray guul aad muhiim ugu aheyd.

Ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya ee ka qeyb galeysa tartanka Cecafa Senior Challange Cup ee ka socda dalka Uganda ayaa hal gool iyo eber waxa ay uga adkaadeen Xulka Qaranka Burundi

Xulka Qaranka Soomaaliya gool qurux badan waxaa guusha ugu horseeday Ciyaaryahanka nomberka 10-aad u xiran ee Cumar Maxamed , waxaana guushan soo nooleesay rajada Xulka Soomaaliya ee tartanka.

Soomaaliya ayaa hada leh 4-Dhibcood , waxaana kulanka ugu dambeeya ee Guruubka  Soomaaliya la ciyaari doontaa xulka kubada Cagta ee Eritrea oo wacdaro sanadkan ka dhigaya koobkan ka socda dalka Uganda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top