BREAKING NEWS

Ciidamada Xooga Dalka oo Nabad ku Soo Dabaalay Colaadii Galmudug(DAAWO VIDEO)

Waxaa Guulo Keenay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay isku keenaan waxgaradka Degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo oo ka tirsan gobolka Mudug halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen beelo walaalo ah, iyadoona uu dagaalkaasi dhaliyey Khasaare Naf iyo Maalba leh oo kala gaadhay labada dhinac.

Kulamo ka kala dhacay Afbarwaaqo iyo Toowfiiq ayaa laysugu keenay waxgaradka degaanadaasi iyadoo taliska Ciidamada Xooga dalku uu ku qanciyay dhinacyada in dagaalku uusan xal ahayn loona baahan yahay in wada hadal lagu xaliyo tabashooyinka jira.

Xildhibaan Axmed Macalim FIQI oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay Dedaalka ay wadaan Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka ee uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidamada Lugtu.

“Waxaan bogaadinayaa dadaalada nabadeed ee saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku kala dhexgalayaan beelaha walaalaha ah ee ku diriray deegaanada Bariga gobolka Mudug (Afbarwaaqo iyo Tawfiiq). Waa hawlihii rasmiga ahaa ee ciidamadu qaranku u taagnaayeen..

Waxaan ugu baaqayaa maamulada kala duwan iyo shacabka labada dhinacba In ay gacan buuxda siiyaan ciidamada XDS oo gurmad nabadeed halkaas u tagey.” Ayuu yidhi xildhibaanka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    3 Replies to “Ciidamada Xooga Dalka oo Nabad ku Soo Dabaalay Colaadii Galmudug(DAAWO VIDEO)”

    1. Typicalcat25 says:

      I like what you guys are up to. Such intelligent work and reporting! Carry on with the superb works guys. I have incorporated you guys to my blogroll. I think it’ll improve the value of my web site. 🙂

    Comments are closed.

    scroll to top