BREAKING NEWS

Haweenay dhimatay Maalin kahore Arooskedi. {Akhriso}

Haweenay yare oo iskudiyarinaysay inay kaqayb gasho xaflada arooskeeda oo dhicilahaa maalin kahore kadibna geeryootay taas oo argagax galisay labadii qoys ee kujiray Hawsha arooska


faadumo abuukore oo jirtay 16 sano oo kunoolayad magaalada Danbatta ee waqooiyga Dalka Nageriya ayaa geeryootay maalin kahore arooskeedii dhicilaaha Maliin kahore kadib marki ay kudhacday si lama filaan ah ceelbiyood

Gabadhan iyo wiil ay xiriir lahaayeen ayaa loo balansanaa in maherkooda uu dhaco khamiistii lasoo dhaafay hasa ahaatee Faadumo oo booqasho ku tagtay arbacadii guriga eedadeeda ayey ku dhacday Ceel biyood sidaasna ku geeriyootay.

Aabaha dhalay gabadha aroosada aheyd ee geeriyootay ayaa idaacada BBC-da u sheegay in gabadhiisa ay ku faraxsaneyd guurka wiilka ay saaxiibada ahaayeen, waxa uuna xusay in qadarta alle timid kahor guurka lamaanahan ee loo balananaa.

Waxa uu sheegay aabaha dhalay gabadha geeriyootay in qaar badan oo kamid aheyd asxaabta Faadumo oo u yimid ka qeyb galka xafladeeda arooska ay ka qeyb galeen aaskeeda.

Wiilkii guursan lahaa gabadha geeriyootay ayaa sidoo kale sheegay in uu aad u naxay kana murugooday geerida naxtin leheyd ee ku timid gabadhii uu jeclaa iskuna diyaarinayay guurkeeda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top