BREAKING NEWS

Kenya oo furaysa saldhigii ugu weynaa ee looga hortagayo khatarta weerarada Alshabab

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa lagu wadaa inay magaalada Garrisa ku daah furaan saldhig milatari oo laga maamulidoono howgallada cirka.

Saldhigaan ayaa noqondoona saldhigii ugu weynaa ee xagga cirka ee dalka Kenya, kaaasoo lagu magacaabo Modika Air Base.

Saldhigga Modika Air Base waxaa lagu adkayndoonaa xaaladda amni ee gobolka waqooyi-bari Kenya, iyadoo looga hortagidoono heerka khatarta kooxda al-Shabaab.

Furitaankan ayaa imaanaya maalmo kadib markii siddeed sarkaal oo bilays ah, laba macallin iyo dhakhtar ay ka mid ahaayeen 11 qof oo ay Alshabab ku dileen weerar ka dhacay Wajeer.

Madaxweyne Uhuru ayaa sidoo kale abuuri doona geed si loogu  xasuusto askartii lagu dilay dagaalada argagixisada.

Uhuru ayaa sidoo kale daahfuridoona buugga dhaxalka askarta, kaas oo faahfaahin ka bixinaya caqabadaha iyo guulaha millatari. sidoo kale wuxuu furidoonaa xarunta baasaboorada lagu bixindoono.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top