BREAKING NEWS

Kenya oo mucaaradka DF Soomaaliya iskugu geynaysa Nayroobi & Kulamadii u dambeeyey ee dhacay.

Dawladda Kenya ayaa qeyb lixaad leh ka qaadanaysa sidii ay mawqif mideysan u yeelan lahaayeen dhinacyada mucaaradka ee kasoo horjeeda dawladda Faderaalka Soomaaliya, gaar ahaana kuwooda hadda u muuqda in ay wajahayaan mucaaradnimada ugu adag.

Casumaad rasmi ah ayay u fidisay inta badan madaxda mucaaradsan dawladda oo ay ku jiraan qaar kamid ah dawlad gobaleedyada ay la leedahay xariirka dhaw, waxaana wada hadalo qarsoodi ah ay dhexmareen laamaha Sirdoonka ee Kenya iyo madaxda mucaaradka kuwaas oo looga hadlay doorashooyinka soo wajahan ee Soomaaliya.

Kenya, waxay dadaal balaaran ugu jirtaa sidii ay saameyn ugu yeelan lahayd arrimaha siyaasadda gudaha ee Soomaalida, waxaana dadaalkeeda ay sii kordhisay ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in damaceedii ku wajahnaa arrimaha Badda uu meesha ka sii baxayo.

Hogaamiyaha madasha Mucaaradka oo ay ku mideysan yihiin ee Shariif Sheekh Axmed, horeyna u soo noqday Madaxweynihii dawladdii KMG ahayd ee saxiixday kiiska Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya & Kenya ayaa kamid ah xubnaha casumaada loo fidiyey.

Horey, waxaa ugu sugnaa Nairoobi oo saldhig ka dhigtay qaar kamid ah mucaaradka sida adag u diidan siyaasadda Madaxweyne Farmaajo, oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo xubno kale oo muhiimad weyn u arkaya ficilada kooxahan.

Kal hore ayay soo baxday in kulan qarsoodi ah bishan December uga dhici lahaa dalka Kenya, kaas oo hadda bilowday, waxaana kulamadan qeyb ka noqon doona siyaasiin kale oo ay ku jiraan kuwa ka socda dhanka Puntland, waxaana dhaqaalaha ugu balaaran bixin doonaa dawladdaha Carabta qaarkood.

Sawirro lagu baahiyey baraha bulshadu, waxay muujinayaan kulan wadajir ah oo ay yeesheen Shariif Sheekh Axmed, Axmed Maxamed Islaam & Shariif Xassan Sheekh Aden, kaas oo ka dhacay magaalada Nayroobi, waxaa kasii horeeyey kulan ay yeesheen mucaaradka oo dhan, kaas oo diirada lagu saaray arrimaha Siyaasadda gudaha ee Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top