BREAKING NEWS

Maxdaxtooyada Somaliya Oo Saaka Ciidmo lasoo Hordhoobay. {Akhriso}

Ciidmada ammaanka ee dawlada federalka somaliya lasoo dhooboya waddooyinka udhaw madaxtooyada ville Somaliya kadib markii maalmo ka hore laweeraary Hotel udhaw madaxtooyada

.Ciidmada aya baadhay dhaamaan waxa kasta oo soo mara waddoyinka yagoo  ah kuwo feejigan islamarkan taxadarkoodu sareeyo

Baadhitaankan ciidan kani wadaan ayaaa  sabbaby in masuuliyiin kamida dawlada qar ilaaliyashoda lag reebo banaaka

Wararka ayaa sheegaya in kaliya loo ogol yahay in illaaladooda ay la gudbaan, wasiirada, wasiir Ku xigeenada, taliyeyaasha iyo mas’uuliyiinta xilalka sare haya.

Arrintan ayaa sababtay in saaka waddooyinka ka agdhow Villa Soomaaliya lagu arko ciidamo fara badan oo laga reebay mas’uuliyiintii galay xarunta Madaxtooyada.

 kadib weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday hoteelka SYL, kaas oo ay fuliyeen 5 nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku labisnaa dareeska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa qorshahan ku dooneyso inay ku xoojiso amniga, ugana hortagto in weeraro kale ay agagaarka madaxyooyada ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Kadib Weerarkii SYL oo dhacay habeenkii Arbacada ee la soo dhaafay ayaa waxaa uu qaatay ku dhowaad  8 saacadood, waxaana ku dhintay illaa 5 qof oo askar ay ku jiraan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top