BREAKING NEWS

Ciidamada Nisa Oo hawlgalo ay sameyeen kuso qabqabtay Raga Alshabab katirsan.{Akhriso}

Hawlgalo aya sameeyeen ciidamada nabadsugida dawlada federalak Somaliya ay kasameeyeen qaybo kamida ee Koonfurta Somaliya GobelkaGedo


Hawlgalkan oo aha mida baladhan islamarkaana lagu soo qabqabtay dad badan oo loga shakisanyahay inay katirsanyihiin kooxda Alashabaab


Taliyaha Nabadsugida ee gobalka Gedo ,Cali Deyr oo lahadlay warbaahinta ayaa kawarbixiyay hawlgalkaas sidookalena sheegay inay kusoo qabqabteen 4 xubnood oo kamid ah alshabab oo lidna ku ahaa Nabad Dadka iyo Deegaaka

Cali Deyr ayaa carabka ku dhuftay in tuulada Hareen Tuurre laga soo qabtay xubinta ka tirsan Al-Shabaab, isagoo kuu dhuumaaleysanayey halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan shaqsiyaadka gacanta lagu soo dhigay la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgalladu ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ku gaari doonaan deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Gedo.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howgala gobolkaan ayaa xoojiyey dhaq dhaqaaqyadooda Milatari, si meesha looga saaro kooxda Al-Shabaab.

blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top