Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi.
Deni ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee harsan la go’aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ay tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono Nidaamkii Qabaliga 4.5-ka, ay tahay in wada-tashi la isugu yimaado.
Hadii la leeyahay doorashaa la qabanayaa 4.5 chapter-keeda waa in uu xirmaa, hadii la leeyahay ma xirmi karo, hadda annaga dad Soomaali ka duwan ma nihi xaal-mastuurka waa ogol nahee, bal hala isku yimaado hala wada hadlo, xagee la aadayaa waaye marka, waddo kale oo saddexaad aniga iima muuqato,” ayuu yiri Deni.
Madaxweynaha ayaa raaciyey: “Hadii la leeyahay qof iyo cod, sidda ay shegeen, oo degmooyinkii iyo gobolada la dhigi waayo oo wax cad la keeni waayo, waxa ku xigta waa in la yiraahdo maxaa ku xiga oo la aadayaa?”.
Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland ay mar walba “ka qeyb qaadanayso dhisme Soomaaliyeed oo cadaalad, midnimo iyo federaal ku dhisan”.
where can you buy acyclovir cream
tadalafil for sale cheap
kamagra
This is a dialect right enchanting post. Keep them coming.
Behold my website here: xbody
v1bb1nm2c Zkuug v1bb1nm2c
v1bb1nm2c http://www.bofilm.ru/v/tKNt4oMDia0 v1bb1nm2c
v1bb1nm2c Ekuvb v1bb1nm2c
v1bb1nm2c http://www.bofilm.ru/v/CpkkzaHjTVo v1bb1nm2c
v1bb1nm2c Uyfwl v1bb1nm2c
v1bb1nm2c http://www.bofilm.ru/v/P5PvzSQFGjQ v1bb1nm2c
v1bb1nm2c Silfu v1bb1nm2c
v1bb1nm2c http://www.bofilm.ru/v/eYp1iyU4Nnk v1bb1nm2c