BREAKING NEWS

Magacyada iyo Qabiilka Ninkii watay Ragii galay Hotelka SYL. [Akhriso]

Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii hogaaminayay weererkii tooska aha ee hotelka SYL ee Maaglada Muqdisho


Magaca NIinkaas ayay Alshabaab kusheegtay Maxamed Maxamud Cabdi oo ku magaca dheer {Saadaq }kaas oo ahaa dagaal galiyihii watay ciidanki galay hotelka SYL
sidookalena waxa ay sheegeen inuu kasoo jeedo beesha Xawaadle gaaar ahaan jifida Reer Ugaas islamarakaan muddo kasoo hawlgalayay gobalka Hiraaan

Saadaq 24 jir ahaa ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay dagaallo kala duwan oo ay kooxda Al-Shabaab la gashay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Valueimpression Placeholder
Sidoo kale wareysi laga qaaday ka hor inta uusan dhicin weerarka, islamarkaana ay baahisay Idaacadda Andaluus ayuu Saadaq kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo taariikhdiisa, isaga oo sheegay inuu ku dhashay gobolka Baay.

Weerarkii hoteel SYL oo qaatay saacado badan ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 qof oo ay ku jireen askar ka tirsanaa ciidanka ammaanka, sida ay xaqiijisay dowladda Soomaaliya, balse Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay weerarkaasi ku dishay 25 qof, kuna dhaawacday 39 kale oo isugu jiray askar iyo shaqaale, sida ay hadalka u dhigtay.

Hoteelka SYL waa markii saddexaad oo ay weerarto Al-Shabaab, balse weerarkii ugu dambeeyey ayaa ka duwanaa kuwii hore oo looga bartay in qaraxyo ay ku bilowdaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    3 Replies to “Magacyada iyo Qabiilka Ninkii watay Ragii galay Hotelka SYL. [Akhriso]”

    1. Nickfap says:

      [url=http://sildenafilmd.com/]sildenafil tablets 100mg uk[/url] [url=http://azithromycin1000.com/]azithromycin 250mg[/url] [url=http://metformintab.com/]metformin 500[/url] [url=http://antabuse24.com/]antabuse medication[/url] [url=http://cialisfh.com/]fast shipping cialis[/url]

    2. It is truly a nice and helpful piece of info. I’m happy that you shared this helpful info with us. Please keep us informed like this. Thank you for sharing.

    Comments are closed.

    scroll to top