BREAKING NEWS

Beesha caalamka oo amar 11 qodob ah dul-dhigtay doorashada Somalia ee 2020

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay labada Aqal ee Barlamanka in ay dhameystiraan Sharciga Doorashooyinka Dalka dibna u eegaan Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka inta uusan dhamaan Sanadkan 2019ka.

Waxa ay ku baaqeen in Doorashooyinka soo socda la Wafaajiyo 11kan Qodob ee soo socda.

1) in la Dhowro Dastuurka.

2) in la Xaqiijiyo in Doorashooyinka Heer Federal ay ku qabsoomaan Waqtigooda gaar ahaan dhamaadka 2020 ilaa Bilowga 2021 Mudo Kororsi la’aan Labada Gole ee Fulinta iyo Barlamanka.

3) in dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ay si siman uga qeyb galaan.

4) in Shacabka Soomaaliyeed ay Awoodi karaan Fursad ay si Toos ah ugu Doortaan Dadka Matalaaya iyagoo umaraya Doorasho Qof iyo Cod ah.

5) in Xisbiyada Siyaasadeed ay Door ku yeeshaan Doorashooyinka.

6) in la Xaqiijiyo Qoondada Haweenka ee Sodon Boqolkiiba.

7) in la Fududeeyo ka qeyb gal Balaaran oo Suuragal ah kaasi oo ay ku jiraan Dadka Barakacayaasha ah.

8) Taageero Balaaran ka heysta dhamaan Saamileyda.

9) in si hufan oo aamin ah loo hirgaliyo loona heli karo Maalgelin ku filan iyada oo la adeegsanaayo Mabaadi’da.

10) Natiijo Doorasho oo Nabadoon iyo Madax leh Sharciyad Balaaran.

11) in la Xurmeeyo Waajibaadka Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top