Hogaamiye Beeleedka Maamulka SNM Muuse Biixi ayaa amar kusoo rogay Gobolka sool gaar ahaan magaalada Laascaanood,
Amarkan ka soo baxay Muuse Biixi ayaa ah mid loo soo dhiibay Ninka ugu Magacaaban Taliska Muuse Biixi Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe,
Amarkan ayaa ah mid lagu faraayo dhamaan Mulkiilayaasha Hotelada Laascaanod in aan lagu qaban Karin wax shir ah oo aysn ogayn Maamulka SNM Hotelada Laascaanood
Ujeedka amarkan ayaa ah cabsi Maamul Beeleedka isaaq ka qabo Shirar lagu Taageero Jabhada SSC oo ka dhaca Laascaanood.
Hadaydaan Reer laascaanoodow Aamuska iyo madax foorarinta aydaan badalin, habdhaqankan mid ka sii foolxun u diyaar garooba inaad qaabishan .
