BREAKING NEWS

Muuse Biixi Oo Keenay Qorshe kula Heshiiyo Carre Kadib Jahwareer Jamhado Horleh Oo lagu dhawaaqay .{Akhriso}

blank

Madaxwayne Biixi oo keenay qorshe layaableh una dhiibay Guddida dhexdhaxaadinta Caarre waa inuu waddanka isgagabaxaa aadana waddanka Turkiga kadibana Cafis soo dalbado ana aan ufuliyo

Biixi ayaa cadaadisyo badan oo ku gadaaman darteed si toos ah u cafin karin Hogaamiyaha Jabhadda Dulmi-diid ee Korneyl Caare, taasi badalkeedana uu rabo in uu qorshahaasi ku cafiyo Korneyl Caare, isagoona balan qaaday bixinta kharashka ku baxaya safarkaasi, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Guddiga dhex-dhexaadinta ee Biixi u direy Ceerigaabo.

Guddiga dhex-dhexaadinta Muuse Biixi iyo Korneyl Caare oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Hargeysa ayaa u kicitamay magaalada Ceerigaabo, si ay Caare ugu soo bandhigaan qorshahan cusub ee uu Biixi ku rabo inuu u maro cafintiisa.

Madaxweyne Biixi ayaa hore u sheegay inuu cafis u fidiyay dhamaan Ciidamada la joogta Korneylka, isagoona ka muquurtay cafiska Korneylka oo uu sheegay in cafinta Korneyl Caare loo baahanyahay in la raaco sharciyad, isagoona markaasi xusay in ciidamada iyo saraakiishoodu ay kala kiis yihiin.

Ilaa iyo hadda si dhab ah uma cada in Guddigu ay ku soo qancin doonaan qorshahaasi oo uu aqbali doono Korneyl Caare, midaasi oo uu Madaxweyne Biixi ku rabo inuu dalka dibadiisa uga safro Caare, isla markaana uu cafis u fidin doono markuu soo weydiisto.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sanadihii u dambeeyay wajaheysay Jabhado dhowr ah oo ka dilaacay deegaanadeeda, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeday hab maamulka Muuse Biixi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top