BREAKING NEWS

Sawirro: Wafdi ka socda Somaliland oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

Waxaa goor dhow garoonka diyaaraaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Somaliland, kaas oo ka soo ambabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee xarunta mamaulkaasi.

Wafdigan ayaa sida gargaar bani’aadanimo oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadihii dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Deeqda oo ah mid lacageed ayaa dhan 600,000 oo Dollerka Mareykan ah, taas oo ay soo uruuriyeen qaar ka mid ah shacabka iyo culimada ku dhaqan Somaliland.

Xubnaha wafdiga oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cali Geedi ayaa lacagtaasi ku wareejin doono dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu horay ugu dhawaaqay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top