BREAKING NEWS

Al shabaab oo la wareegay deegaanka Goofgaduud ee duleedka Baydhabo

Dhaq dhaqaaqa A-shabaab ayaa sheegtay in uu guul ka gaaray dagaal ay Ciidamada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed kula galeen degaanka Goofguduud Buurey ee duleedka Magaalada Baydhaba.

Weerarka oo ay ku sheegeen AL-shabaab in uu ahaa mid aroortii ay qaadeen ayey ku sheegeen in ay ku dileen 8 ka mid ah Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Maamulka Koofur Galbeed wali kama hadlin sheegashada Al-shabaab ee la xiriirta dagaalka ka dhacay Goofguduud Abooreey oo Baydhaba u jirta 30km oo kaliya.

AL-shabaab ayaa dhowr jeer sidan oo kale u weerartay degaankaas waxaana ka dhashay khasaare kala gaaray labada dhinac ee ku dagaallamay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Xasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa dhiggiisa Hirshabeelle heshiis kula galay Magaalada Baydhaba.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in labada Maamul iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab,wadaagaan xogaha dhinaca amaanka ah iyo in ay ka wada shaqeeyaan furtaanka waddooyinka ay go’doomiyeen AL-shabaab.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top