BREAKING NEWS

Ra’iisul Wassaaraha Dalka Oo Saaka kuwajan Dhuusamareeb.{Akhriso}

Wafti Balaadhan uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Dalka Somaliya Mudane Xasan CALI kHYARE ayaa lafilaya inay safar kubaxaan saacadahan soosocda Magalaad Dhuusamareeb ee Caasimada Gobalka Galmaudug

Magaalada Dhuusamareeb ayaa laga dareemaya saaka diyaargarawga soo dhawaynta waftida Ra’iisul wassaraha Sidoo kale waxaa la’ adkeeyay Amniga Dalka

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka Khayre uu la xariiro dhameystirka dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay iyo dhaqan gelinta heshiiskii Ahlu Sunna.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dusha kala socon doono howlaha doorashada, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada cusub ee Galmudug.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo kala duwan uu la qaato hoggaanka Ahlu Sunna, madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si xal waar looga gaaro tabashooyinka weli jira.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaya marar badan dib ugu laabtay deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, isagoo dadaal ku bixinaya dhismaha maamulkaasi oo muddo soo jiitamayey, kadib khilaafaad ka dhashay.

Doorashada Galmudug, gaar ahaan mida madaxweynaha ayaa lagu wadaa in la qabto bilowga bisha dambe iyadoo haatan ay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top