BREAKING NEWS

Xasuuqna kulama qabo Gooni Goosadna kulama aaminsani see miiska wadahadalka iigu Matali Karta,?

Maalmahan waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta haystay Wadahadalka dawlada Fadaraalka soomaaliya Iyo Beesha isaaq,

Wadahadalkan madaxweyne Farmaajo furay Gabogabo xilii uu yahay mudo xileedkiisu ayaa ah wadahadal dhaliyay Buuq iyo sawaxan badan.

Beesha isaaq oo ah tan leh dawlada Fadaraalka waxbaanu ka tirsanana oo wey nadishay oo weyna xasuuqday ayaa doonaysa in ay Afduubto Beelaha kula nool gobolada woqooyi ee soomaaliya.

Gobolada waqooyi ee soomaaliya waxaa ay ka kooban yihiin shan gobol.

Shantaa gobol Beesha Harti oo ah warsangali iyo dhulbahante waxay dagan Labo Gobol oo kala ah sool iyo sanaag.

Sanaag Beesha isaaq hal Degmo oo la dhaho ceelafweyn ayay ku leedahay inta kale waxaa dagan Harti.

Beesha Samaroon iyana waxay dagan tahay Gobolka Awdal ama Boorama.

Labada gobol ee soo hadhayna waxaa daga Beesha isaaq,Burco iyo Hargaysa,

Hadaba Beesha Isaaq waxay doonaysa in Sadexda gobol ee ay dagan yihiin Harti iyo Samaroon oo doonaya midnimada soomaaliya in ay afduubto oo dawlada Fadaraalka soomaaliya ku afduubto nooyeella rabitaankayaga..

Beesha Isaaq waxay doonaysa in qadiyadda Sadexda Beelood ee Dhulbahante warsangali samaroon in ay ka sarayso qadiyadda Isaaq ee ah Gooni goosadka.

Hadaba Akhristaha soomaaliyeedow Suuro gal ma kula tahay in Sadex Beelood oo raba Midnimada soomaaliya inta la diido in dhagta loo taago beel doonaysa Gooni goosad mase tahay suuro gal sadex gobol oo doonaya midnimada soomaaliya in lagu daro labo gobol oo doonaya in ay 16-ka gobol ee dalka soomalaiya ka goostan.?

Waxaa taas iigala sii layaab badan Beesha isaaq Xasuuq dil iyo Waxyaabo kale ayay ka tirsanasa Xukumada Soomaaliya,balse beelaha kale ee la dagan waqooyi waxba kama tirsanayan Dawlada.see marka dadka saas ah miis ay ugu matali karta Beesha isaaq miyaan caqli jirin?

Ugu Danbayn Beesha Isaaq waxay maanta miiska ku matali lahayd SSC iyo Samaroon oo macno weyn u samayn lahaayen Xubnaha uu kamid yahay Faratoon Wasiirka Arrimaha dibada maamulka Hargaysa iyadoo xubnaha ka soo jeeda Harti iyo Samaroon ee La hor Fadhiisinaayo Gudiga Farmaajo Magacaabay iyado Gobolada SSC iyo Awdal iyo Shacabka ku nool ay isaaq la aaminsan yihiin Gooni Goosadka lana qaban xasuuqa

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top