BREAKING NEWS

Khasaare hantiyeed oo ka dhashay Dab xalay qabsaday Suuqa magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya degmada Jowhar ee xarunta u ah maamul goolleedka Hishabeelle ayaa sheegay in Dab xalay ka kacay suuqa ugu weyn degmada uu baabi’iyay goobo ganacsi oo suuqaasi ku yaalay.

Dabkan oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn waxa sababay ayeey dad ku sugan degmada Jowhar sheegeen in uu baabi’iyay dhamaanba hantidii dhax taala Dukaamo ku yaala suuqa oo isugu jiray Bakhaaro lagu iibiyo raashinka iyo qalabka dhismaha, Farmashiyayaal waaweyn oo Jumlo iyo Tafaariiqba lahaa iyo goobo ganacsi yaryar oo ay ka mid ahaayeen Dukuumo lagu iibiyo Dahabka.


Dadka ku dhaqan degmada ayaa ku dadaalay in Dabka laga badbaadiyo dadka rayidka ah ku noolaa guryaha ku dhaw Suuqa uu Dabka kacay, lamana sheegin cid wax ku noqotay marka laga soo tago hantida ku baaba’day.

Waxaa daminta Dabka ugu danbeyntii qeyb weyn ka qaatay dadweynaha reer Jowhar oo kaashanaya halka Dabdamis ee kaliya oo ay Jowhar leedahay.

Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali iyo mas’uuliyiin kale oo booqday Suuqa ayaa u kuurgalay khasaaraha uu Dabku geystay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top