BREAKING NEWS

Wiil’dhalinyaro ah Oo lagudilay Muqdisho Iyo Cida Disha. {Dawo video}

Wiilka Dhalinyaro ah ayaa Magiciisa la odhanjiray Cabdullaahi Faarax Xiiray oo kunoola Magaalada Muqdisho ayaa Habeenki Isniinta ah ayaa lagu dilay Xaafada Hodan waxaa markii uhoraysay kahadlay Dilkiisa Ehelladiisii

Cabdullaahi Cabdikariim Maxamed Xiireey oo ay walaal yihiin ayaa sheegay in inta aan la dilin ka hor ay jirtay dood iyo khilaaf ka dhaxeeyey marxuumka iyo taliyaha guutada 1-aad ee 12-ka April ee ciidamada xoogga dalka, oo lagu magacaabo Xasan Jaamici.

Cabdullaahi Cabdikariim ayaa sheegay in 23-kii bishan xilli habeen ah ayuu marxuumka u yimid sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Cabdi Jaamac, islamarkaana ay israaceen, daqiiqado kadibna Cabdullaahi Xiireey lagu dhex diley gaarigii uu watay.

Cabdullaahi Cabdikariim waxa uu intaas ku darey in Cabdillaahi Xiirey uu lahaa shirkad ganacsi, islamarkaana Xasan Jaamici uu dhowr mar ugu hanjabay dil.

Warbaahinta Widhwidh Online uma xaqiijin karto eedeymaha qoyska Cabdullaahi Xiirey ay u jeediyeen Xasan Jaamici. Sidoo kalena, nooma suurta-gelin inaan helno Xasan Jaamici si uu uga ajwaabo eedeymahan
Wixi Dib kasoo kordha waan idinla socodsinayanaa

HALKAN KA DAAWO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top