BREAKING NEWS

Xildhibaanno wadda mooshin ka dhan ah madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle

Warar ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka waddaan mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaannadan oo tiradooda la sheegay in ay kor u dhaafeyso ilaa 40 xildhibaan ayaa u soo jeediyay madaxweynaha eedeymo kala duwan gaar ahaan in uu ku fashilmay wax ka qabashada nabad-galyada deegaannada dowlad gobolleedka Hirshabeelle.


Lama oga in xidlhibaannada mooshinka u gudbiyeen guddoonka Baarlamaanka iyo in kale, hasse ahaatee wararku waxaa ay sheegayaan in xildhibaannadan diyaariyeen mooshinka oo ay doonayaan in la horgeeyo Baarlamaanka.

Ma’aha markii ugu horreysay oo mooshin noocan ah laga keeno madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyadoo tirada ugu badan Golaha Wasiirradda ka tirsan Xukuumadda yihiin xildhibaanno ku jira Baarlamaanka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top