BREAKING NEWS

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda Dhuusa-Mareeb

Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug waxaa ka soconaya diyaar-garoowga soo dhaweynta Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo lagu waddo in uu gaaro saacadaha soo socda.

Maalintii shalay waxaa gaaray degmada Dhuusa-Mareeb wafdi hordhac u ah Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ay ka mid ahaayeen ciidamo gaar ah oo ka tirsan ilaaladiisa ka tirsan.


Kheyre ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca, guddiga farsamada maamul u sameynta Galmudug iyo odayaasha saxiixayaasha ah Xildhibaannada ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub oo dhawaan la filayo in lagu dhawaaqo.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa jirtay cabasho ay muujinayeen Beelaha qaar ee Galmudug oo ka hor yimid habka loo wadaagay 20ka xildhibaan ee Ahlu Sunna uga mid noqonaya Baarlamaanka cusub.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda Dhuusa-Mareeb”

    1. Hello, recognition you looking for facts! I repost in Facebook

    Comments are closed.

    scroll to top