BREAKING NEWS

CC Shakuur oo oo war cusub ka soo saaray Qaraxii ismiidaaminta ee Ex-Kantarool Afgooye

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyay weerarkii argagixisada Al-Shabaab saakay ka fuliyeen isbaarada kala wareeg ee Ex koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in tani ay direyso Fariin ah ineysan jirin cid ay Al-Shabaab u turayaan,wuxuuna ku baaqay in cadowga hal meel looga soo wada jeedsado.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka:-

Waxaan canbaaraynaa weerarka argagexiso oo damiir, arxan iyo diin la’aanta ah oo ay kooxda argagexisada Al-shabaab ku qaadeen shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa isbaarada kala wareeg ee Ex koontarool Afgooye. Waa fariin ay u dirayaan shacabka oo ay leeyihiin cidna u turi mayno, idinmana kala jeclin. Cadawgan waa in aan meel uga soo wada jeesanaa. Culimadu waa in ay ku dhac yeeshaan oo ay mowqif cad ka yeeshaan cadawga magaca Diinta ku gabanaya, dawladuna waa in ay hogaan iyo qorshe amni oo dhuumasho, jid xir iyo kala wareeg dhaafsiisan la timaadaa, shacabku markaas ayuu dhiiran karaa oo cadawga iska dhicin karaa.

Isbitaalada waxaa laga soo sheegayaa, in ay jirto dhiig la’aan. Waan ka xumahay in aanan dalka joogin oo aan dhiig shubi karin. Waxaan haddaba shacabka ku boorinayaa in degdeg dhiig loogu shubo dhaawaca.

Allaha u naxariisto intii ku dhimatay, Allaha caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, bedel khayr leh Allaha siiyo intii ku hanti beeshay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top