BREAKING NEWS

Diyaarad ka timid Turkiga oo sidda dhaqaatiir iyo daawo oo saaka soo gaartay Muqdisho [Video}

Waxaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad sidda gurmad deg deg ah oo ka timid dalka Turkiga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO


Diyaaradaan ayaa waxa ay keentay dhaqaatiir iyo sidoo kale daawooyin loogu talagalay in lagu baxnaaniyo dadkii shalay ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo wasiirka warfaafinta, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wafdigaan iyo dhaqaatiirta ka socota Turkiga ku soo dhoweeyey garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in diyaaraddaan ay la socdaan illaa iyo 24 dhaqtar oo ka qeyb qaadan doono daawaynta dhaawacyada qaraxii shalay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top