BREAKING NEWS

Wararkii ugu dambeeyey dagaal Muqdisho ku dhex maraya ciidamo u abaabulan hab beeleed

Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo u abaabulan qaab beeleed, ayaa ka socda magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku hayo dhul sharci darro ah oo ku yaalla Xaafada Tarabuunka, oo ay isku hayaan, waxaana dagalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Rasaasta ay is dhaafsanayaan ciidamadaan ka tirsan dowladda, balse u dagaalamayo hab Beeleed ayaa waxaa laga maqlayaa qeybo badan oo ka tirsan Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa inay ku dhinteen dad gaarayo illaa 5 Qof oo u badan dad shacab ah.

Sidoo kale dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 7 qof oo shacab ah, wuxuuna Isgoyska Tarabuunka kamid yahay isgoysyada ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho.

Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli kama hadlin dagaalka Maanta Xaafada Tarabuubka ku dhex-marayo ciidamo ka wada tirsan dowladda una abaabulan hab beeleed.

Maahan markii ugu horeysay oo ay ciidamadaan ku dagaalamaan Tarabuunka, wuxuuna dagaalkooda noqday mid mar kasta soo noq noqdo iyadoo la isku hayo guryo halkaas ku yaalo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Wararkii ugu dambeeyey dagaal Muqdisho ku dhex maraya ciidamo u abaabulan hab beeleed”

    1. Hello, tender thanks you for information! I repost in Facebook

    Comments are closed.

    scroll to top