BREAKING NEWS

Gudoomiye Mursal Ayaa Caawa Casho Sharaf Layeeshay Hogaanka Xisbiyada Qaran. {Daawo Sawirrada }

Madaxda Xisbiyada Qaran uu Horkacayo Gudoomiyaha Xisbigaas Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxwaynihii Hore Mudane Xasan Shiikh Maxamud Ayaa Caawa Casho Sharaf Layeeshy Gudoomiyah Baarlamaanka Somaliya Mudane Maxamed Mursal.

Guddoomiye Mursal oo madaxda Madasha ku casuumay hoygiisa ayay ka wada hadleen xaaladda dalku marayo iyo dareenka Xisbiyada ku mideysan Madasha ka qabaan amniga oo sii xumaanaya iyo jahawareerka Siyaasadeed ee u dhexeeya Xisbiyada, dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.

Faahfaahin lagama bixin natiijada ka soo baxday kulankan, hase ahaatee waa markii ugu horeysay ee kulan noocan ah ay yeeshaan labada dhinac, waxaana kulankan ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

blank
blank
blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top