BREAKING NEWS

Soo Xulista Xildhinaanada Galmudug oo mar kale dib u dhacay iyo Caqabado cusub oo ….

Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ayaa u muuqda kuwa ku fashilmay markii labaad in ay uu hirgalo habraac dhinaca soo xulista Xildhibaanada Galmudug iyo Doorasdhada Hogaanka Galmudug ay horey usoo saareen.

Maanta oo taariikhdu tahay 30-ka bisha December ayaa horey guddiga u shaaciyeen in lasoo xulayo Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlanaanka labaad ee Galmudug, mana muuqato maanta in lagu dhawaaqayo liiska Xildhibaanada cusub.

Waxaa muuqata in mar kale fashilmay habraacii ay soo saareen guddiga farsamada iyo doorashada Galmudug, waxaana dib usii dhacaya xiligii la filayay in ay dhacdo doorashada Hogaanka sare ee Galmudug.,

Sida aan wararka ku heleyno guddiga farsamada iyo doorashada Galmudug ayaa caqabado kala kulmaya beelaha qaar oo wali is heesta, waxaa sidoo kale caqabadaha sii kordhiyay Xildhibaanadii ay dhawaan soo xuleen kooxda Ahlu Sunna.

Beelaha qaar ee Xildhibaanada ku leh Baarlamaanka Galmudug ayaa ka biyo diidan Xildhibaano ay rabeen in ay soo xushaan oo kooxda Ahlu Sunna ka qaadatay, waxa ayna beelaha Odayaashaasi codsadeen in liiska Ahlu Sunna dib loogu laabto.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la filayay in sabtidii tago magaalada Dhuusomareen si uu u xaliyo caqabadaha taagan ayaa dib u dhac ku yimid safarkiisa kadib qaraxii lagu hoobtay ee isla sabtidii ka dhacay Muqdisho.

Dhismaha maamul loo dhan yahay oo Galmudug yeelato ayaa caqabado badan lagala kulmayaa, waxaana markii labaad dib u dhacaya xiligii loo qorsheeyay in lasoo xulo Baarlamaanka sidoo kale la doorto Hogaanka cusub ee maamulka Galmudug.

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top