BREAKING NEWS

Xanuunka Ka Dilaacay Widhwidh iyo Dr Ahmed Arab Ali Oo Ka Hadlay Sheegayna waxa Sababay,

Waxaa Maalmihii ugu danbeeyay Deegaanka Widhwidh ee Gobolka Cayn Ka Dilaacay Xanuun inta badan soo ritay Caruurta Da’aahaan jira inta udhaxaysa 3 sano ilaa 8 sano.

Xanuunkan oo leh Qandho xoogan Shuban iyo Dhiig afka iyo Sanka Furmaya Caruurta ayaa inta ilaa hada la og yahay waxaa ku naf waayay ilaa 6 Caruur ah,

Dadka waaweyn ayaa iyana Xanuunkani soo ritay balse Waxaysan lahayn iyagu Dhiig afka iyo Sanka la furaayo,

Warbaahinta Widh Widh Online ayaa Wax ka weydiisay Xanuunkan Qaar kamid ah Dhakhaatiirta Dalka soomaaliya,

Dr Ahmed Arab oo kamid ah Dhakhaatiirta Garoowe kana soo shaqeeyay xamar iyo Oman oo xanuunkan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in xanuunkan leh calamadan uu yahay Daacun yar oo sahlan Islamarkaana asal ahaan ka Beerma Bakteeriyadda ku dhex nool Biyaha Wasakhaysan iyo Cuntada.

Waxaa usheegay in Caruurta oo Difaac ahaan ay ka Awood badan tahay Bakteeriyadaasi ay sababan inay markiiba Fuuq Baxaan oo udhintan.

Waxaa usheegay in xanuunkaasi inta badan Dalka soomaaliya uu ka Dilaaco koonfurta soomaaliya, gaar ahaan dhulka leh Webiyaasha islamarkaana hal hal maalin ay u dhintan dad gaadhaya kontomeeye una badan Caruur iyo Haween,

Koonfurta soomaaliya Gaar ahaan dhulka leh Webiyaasha Ayuu Sheegay Dr Ahmed Carab in uu xaanunkaasi Ka dilaaco marka ay yaraadan Biyaha webigu islamarkaana Biyahu aysan iska Difaaci karin Bakteeriyadda,

Waxaa usheegay in Muddo ilaa Shan bari ah oo xanuunkain ku keeno Caruurta Qandho saa’id ah kadib ay ku xigto shuban marka ugu danbaysa ee heerka dhimashada uu keenayo Dhiig afka iyo Sanka ah.

Dr Axmed ayaa talo Ahaan soo jeediyay in Xiliyadda Uu Keeno Qandho Xanuunkaasi si dagdag ah loo geeyo Goob Caafimaad Ubadka oo tayo leh

Heerarka Shubanka iyo Dhiiga la furo Caruurta ayuu shegay inay adag tahay in Lala tacaalo,

Ugu Danbayn waxaa u Soo Jeediyay in ubadka Laga Waraabiyo Biyo La gubay ama la kariyay ama biyo La daweeyay oo leh Biyo Safeeye islamarkaana uu Deegaanku ilaaliyo fayo dhawrka nadaafada,

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top