BREAKING NEWS

Mahad-celin Puntland Gurmadka Widhwidh”

Waxaa mudo haatan gaadhaysa 23 Maalin Deegaanka Widhwidh ee Gobolka Cayn ka taagna Xaalad adag oo caafimaad daro kadib markii xanuun ka dilaacay deegaankaasi,

Xanuunka deegaanka ka dilaacay ayaa dilay ilaa Lix Ruux oo u badan Caruur sidoo kale wuxuu soo ritay Dad Kale oo badan,

Hadaba Mudada Deegaanka widhwidh ku jiray Xaalada Dhimashada iyo caafimaad darada ah waxaa qeylo dhaanyo kala duwan loo diray Deegaanada ku Xeeran Widhwidh sida Buuhoodle Laascaanood kuwaaso laga soo helay Xubno Kalkaaliyan Caafimaad ah iyo daawooyin aan badneen balse aan waxba ka badalin xaaladii Deegaanku ku jiray,

Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa maanta shaacisay inay Widhwidh udirayso Team caafimaad oo iskugu jira dhakhaatiir iyo Daawooyin kana qeyb qaadanaya la tacaalida Xanuunka deegaanka ka dilaacay,

Wasiirka caafimaadka iyo Xukumadda Madaxweyne Deni marka hore waxaan leeyahay mahadsanid,

Nina dhalashu kuugu dhiidhiyay Nina dhuunu kugu dhadhacay

Dadka deegaanka waxaan leeyahay kala garta Nacabka iyo Sokeeyaha

Kan ku daaweeya maalinta aad Gasho xaalad dagdag ah iyo Kan isha ka eega kala garo hana noqonina abaal lawayaal bari Fagaarayaasha ka xagxagta kuwii usoo gurmaday Ubadkiiina

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top