BREAKING NEWS

Maraykanka oo ka digay weeraro argigixiso oo lalabartilmaameesado diyaaraadaha hawada Kenya isticmaala

Diyaaradaha Mareykanka ee adeegsada hawada Kenya ayaa loogu digay inay aad uga taxadaraan labada bilood ee soo socota.

Maamulka Duulista ee dowladda Federalka Maraykanka ayaa ka digay in kooxaha xagjiriintu ay bartilmaameesan karaan diyaaradaha isticmaala hawada bariga Afrika.

Diyaaradaha duulimaadyada rayidka ah iyo dhamaan hawlwadeenada diyaaradaha ka diiwaangashan Mareykanka ayaa lagula taliyay inay taxadaraan marka ay ka wareegayaan hawada Kenya ee dhinaca bariga masaafo dhan 40 digrii ee dhererka ka hooseeya fl260.

Waxaa laga yaabaa in lagu bartilmaameesado madaafiicda iyo gantaallada lagasoo hago meelaha fogfog, xilliyada imaatinka iyo bixitaanka.

Kenya ayaa u nugul weerarada argagixiso. Dhawaan, Al-Shabaab ayaa weerarey bas ka shaqeeya Mandheera halkaas oo ay ku dileen 11 rakaab ah.

Toddobaadkii hore, laba oo nin ganacsade ah ayay kooxdu ka afduubteen Gaarisa, iyadoo tirada guud ee dadka la qafaashay ka dhigaysa illaa 8.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top