BREAKING NEWS

Xarun Degmo oo Al Shabaab ku qarxiyeen Muqdisho oo dib u dhis lagu bilaabay (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta degmada Warta Nabada .

Xarunta Degmada Warta Nabada ayaa bur bur xoogan waxa uu kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo Al Shabaab ku qaadeen 14-kii bishii MAY ee sanadkii hore 2019-ka, waxaana xarunta qaraxaasi ka soo gaaray bur bur xoogan.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay dib u dhiska xaruntan iyo xarumaha kale ee dadka loogu shaqeeyo, waxa uuna balan qaaday in maamulkiisa wax badan ka qaban doono dib u howlgalinta xarumaha muhiimka ah.

Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaaday xarumo degmo oo kuyaala magaalada Muqdisho , waxaana qaar kamid ah xarumahaasi lagu sameeyay dib u dhis halka kuwa kalana ay wali ku socdaan.

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top